Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Laascaanood ayaa dalbaday in magaaladaasi lagu soo celiyo hablo iyo wiilal calanka Soomaaliya dartiis loo xiray oo loo gudbiyey magaalada Berbera.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mida Odayaasha Gobolka Sool ayaa fagaare ka sheegay inaysan denbi ahayn in la qaaro ama xirto Calan Soomaaliyeed, wuxuuna dalbaday in Ardayda la xiray si degdega loogu soo celiyo Laascanood, haddii kalena ay tallaabo qaadi doonaan.
“Ardayga laga qaaday Laascaanood ee la geeyay Berbera, waa in si degdeg loo soo celiyo, karamadooda iyo xasaanadooda loo soo celiyo.. Calamada adduunka qof waliba midkii uu doono ayuu qaataa, nin waliba calanka uu rabo ha sito, dadkaa Gobolkooda ha lagu soo celiyo, haddii lagu soo celin waayo, shacabka Laascaanood waa tashanayaa, go’aanna waa qaadanayaan..” ayuu yiri Garaadka.
Magacyada 8-da gabdhood ee ay Somaliland qaaday magaalada Laascaanood, iyadoo loo heysto inay xirteen Calanka Soomaaliya, loona gudbiyey magaalada Berbera ayaa kala ah:
1- Ubax Maxammed Cabdi
2- Najaax Suleemaan
3- Kaltuun Maxamed Axmed,
4- Adna Maxammed Cali,
5- Najma Jimcaale Cabdi,
6- Fowsiya Aadan Xuseyn
7- Xayaat Xasan Cige,
8- Muna Kooreeye.
Hablahan ayaa dhammaantood ah arday dhigata dugsiyada sare iyo jaamcado, iyagoo qaarkood waxbarashadii u bilaabatay, waxayna arrintooda noqotay mid xiisad ka abuurtay Laas-caanood.
