Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre, Madaxweyne, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka hadlay xasuuqa ka dhacay degaanka Afar-irdood ee Gobolka Hiiraan oo Alshabaab ay ku dishay dad ku dhow 30 qof.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa farriin uu diray ka tacsiyeeyay falkii bahalnimada ahaa ee kooxda argagixisada alshabab ku xasuuqeen dad shacabka ah kuna gubeen hantidooda oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Cali Guudlaawe ayaa qoraalkiisa ku sheegay in argagixisadu ay ku jabeen dagaaladii wadajirka ahaa ee lala galay, wuxuuna intaa raaciyay in xoojin doono howlgalada baahsan ee lagu cirib tirayo arxan laawayaasha Alshabaab.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka bahalnimada ah ee ay kooxda argagixisada Al-Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi — waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray ee ay Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada halyeeyada deegaanka ee is abaabulay kuwaas oo khasaare badan gaarsiiyay kooxda argagixisada ah ee tabartoodu ku soo aruurtay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa arrintan sidoo kale ka hadlay xildhibannada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, iyagoo dalbaday in Alshabaab laga saaro Gobolka, lagana jawaabo falka ay dadka dhacabka ah ku xasuuqday.
