Kadib roob ku dhowaad muddo 10 saacadood ah maanta iyo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa waxaa baraha bulshada buuxiyey muuqaallo ku saabsan jidad iyo guryo ay Daadadku qaadeen, Biyo meel kasta fadhiya iyo dood waxqabad la’aanta maamulka G/banaadir.Dadka Muqdisho ayaa si weyn uga doodaya sababta roob kasta oo magaalada ka da’a uu dhibaato isu bedelo iyo dhibaatadda ka taagan han dhiska magaalada oo aan lahayn nidaam qashin iyo daadka ka saara, laguna guuleysan in la sameeyo muddo dheer oo maamullo badan ay isaga dambeeyeen.
MUQDISHO: MAGAALADA UGU CANSHUUR BIXINTA BADAN
Dooda ugu weyni waxay ku foorartaa dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir oo inay lacag ka gurtaan maahee aan waxbka ugu qaban dib u dhiska magaalada, wadooyinka sida degdegta lagu dhisay waxaa dhisay Turkiga iyo ganacsatada Muqdisho, waxaana aad u yar kaalinta uu ka qaatay maamulka G/Banadir.
Magaalo 42 Milyan oo Doolar sadddex bilood o qura canshuur ahaan u soo gelisay dowladda Federaalka, magaalo madaxda dalka oo dadkeeda ay yihiin kuwa ugu canshuur bixinta badan waxay saacado kooban oo Roob ka da’ay isugu bedeshay lama galaan aan la isaga socon karin, ayna ku dhinteen dad iyadoo qaar kale ay ku xayirmeen.
MUQDISHO: MAAMUL MAQAARSAAR AH
Muqdisho waxaa mar waliba ka taliya maamullo maqaarsaar ah oo halkii horumarin iyo qorshe magaalo laga sugayey ku mashquula inay shilimaad ka gurtaan xilliga kooban ee ay xilka hayaan, waana isla magaaladii ku dhawaaqday inay 100 kun Doolar ugu deeqeyso magaalada Beledweyne, tiiyoo aan maareyn karin bullaacadaha caasimadda.
Lacagta canshuur ahaanta looga qaado Muqdisho waxay aadaa in mushaar lagu siiyo kumanaan shaqaale ah iyo in lagu iibsado Baabuur aanay rasaastu karin oo ay u dheer tahay in lagu qabto xaflado aan dhammaad lahayn, halkii lagu hagaajin lahaa hab-dhiska magaalada.
Ma jiro maamul qorshe ama diyaargarow u galay in magaalada sidan loo dhaamo, loona diyaar gareeyo qaab ay ku maareyn karto roobka, dibna loogu habeyn karo bullaacadaha magaalada ee intii hore jirtay ay howl gabtay, kuwo kalena aan marna la isku soo qaadin.
Maamul awoodi waayay inuu dib u habeyn ku sameeyo hal War ama Goob biyo fariisi oo magaalada ka mida, wax macne ah soo kordhin maayo haddii uu isku sawirro roobka dhexdiisa, iskana dhigo inuu gurmad wado.
MUQDISHO: DHISME & BURBUR WADA SOCDA
Waxaa la yaab leh in wadooyin lacag badan lagu qaatay dhismahooda ay roobabku hore u qaataan, iyadoo aan waxna la iska weydiin, haddana berri la bilaabo dib u dhiskooda, waana xaalado caadi ka noqday caasimadda sida ka dhacday Wadadda Dabka iyo Bakaaraha iyo Jen. Daa’uud.
Muuqaalka Muqdisho ee xilliyada roobka wuxuu caddeyn u yahay magaalo laga shaqeysto oo ay caddow u heshiiyeen ee aan marna loo shaqeyn, dadkeeduna mar waliba u taagan yihiin inay iska eegtaan xaaladda aan ka soo reyneynin.