Sunday, June 22, 2025

Rugta Ganacsiga oo War kasoo saartay weerarrada Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadda Hormuud

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay dhibaatada lagu shirkadda Isgaarsiinta Soomaaliyeed ee Hormuud.
Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada Xuduudda ayaa dhibaato xoog leh ku hayey mudooyinkii dambe Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waxayna gubeyn illaa lix xarun oo ay shirkadda ku laheyd Gobolka Gedo.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa falkaas ku tilmaamtay mid aan la qaadan karin isla markaasna loo baahan yahay in si deg deg looga hortaggo.

Rugta ayaa sheegtay inay dowladda Soomaaliya dhawr jeer u gubdiyeen dacwad ka dhan ah Ciidamada Kenya ee dhibaatada ku hayo Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud balse aysan jirin ila hadda tallaabo laga qaaday falkaas guracan ee lagu hayo shirkaddaas.

Ad

Ugu dambeyntii Rugta ganacsiga ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday in si deg deg arrintaas wax looga qabto si aan loo curyaamin Ganacsiga dadka Soomaaliyeed iyo shirkdda Hormuud.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka kasoo baxay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON