Geerida Haweeneydii ka mid ahayd Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Mareykanka Ruth Bader Ginsburg ayaa dagaal siyaasadeed oo ku saabsan xilkeeda ka dhashay dalka Mareykanka iyadoo aan weli la aasin.
Xisbiyada Jamhuuriga ee talada haya iyo Dimoqraadiga ee mucaaradka ah ayaa isku maandhaafay xilliga ay tahay in la buuxiyo booskii ay banneysay Ginsburg oo ahayd 87 sano jir u geeriyooday cudurka Kansarka, waxaana Madaxweyne Trump uu ku adkeystay inuu degdeg soo magacaabayo qof haweeney ah oo lagu bedelayo.
Xisbiga Dimoqraadiga ayaa diidan in xilligan oo doorashada Mareykanka ay ka harsan tahay laba bilood uu Madaxweyne Trump magacaabo Garoorihii bedeli lahaa haweeneyda geeriyooday oo ahayd qof u dooda xuquuqda haweenka oo afkaarteedu tahay Liberal raacsan dhinaca Dimoqraadiga.
Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Golaha Senet-ka Mareykanka ee Jamhuuriga ah ninka lagu magacaabo Marck McConnell oo xaaladda uga sii daray markii uu sheegay inuu Golaha u codeyn doono Garsooraha uu soo magacaabo Madaxweyne Trump, waxayna arrintan ka hor imaaneysaa tallaabo uu sanadkii 2016 ku hor istaagay Garsoore uu magacaabay Madaxweyne Obama oo lagu magacaabi jiray Merrick Garland, isagoo ku dooday inay tahay xilli doorasho oo dib loogu dhigo doorashada kadib.

Cajuusada xilkeeda la isku heysto ee muddada dheer ka tirsaneyd Maxkamadda Sare waxay fiidnimadii Jimcaha u geeriyootay cudurka kansarka. Ruth Ginsburg, oo aheyd haweeneydii labaad ee garsoore ka noqota Maxkamadda Sare, ayaa ku dhimatay gurigeeda oo ku yaal caasimadda Washington. Ginsburg ayaa ahayd ololeeye xuquuqda dumarka ah waxayna ahayd garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare illaa 1993-kii.
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa ah tan ugu sareysa cadaaladda dalkaasi, waxaana garsoorayaasheeda 9-ka ah soo magacaaba Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo uu ansixiyo Golaha Senet-ka, waxayna xilka hayaan ilaa ay ka geeriyoodaan.
Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka Joe Biden iyo madxweynihii hore ee Barack Obama ayaa ka hor yimid qorshaha Jamhuuriyiintu ku doodayaan inay buuxiyan booskii ay ka baxday Garsoore Ruth Ginsburg.