Monday, June 23, 2025

Ruushka iyo Mareykanka oo qarka u saaran Dagaalamaan ku dhex mara dalka Suuriya

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanka uu is difaaci doono ka dib markii Ruushka uu ku dhawaaqay inuu bartilmaameedsan doono diyaarad waliba oo soo gasha bartilmaameedkooda.

Ruushka ayaa tallaabadan qaaday kadib markii diyaarad nooca dagaalka ah oo Suuriya lahayd oo Mareykanku uu soo ridey, iyadoo ku dooday inay duqeysay meel u dhow ciidamo ay taageeraan magaalada Raqa ee dalka Suuriya.

Ruushku waxaa kale oo uu sheegey in dhamaan uu joojinayo wadashaqayntii uu la lahaa Mareykanka ee ka hortaga shilalka hawada Suuriya.

Ad

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa u sheegay Maraykanka in ay ixtiraamaan madaxbanaanida dhuleed ee Suuriya, ayna ka fogaadaan tallaabo hal dhinac ah.

Maraykanka ayaa sheegay in diyaaraddaasi la riday ay duqeysay jabhad la dagaalanto kooxda isugu yeertay dowladda Islaamka.

Xaaladda ayaa kacsan waxayna tani ka dhigan tahay in quwadaha ugu waaweyn dunida ay qarka u saaran yihiin dagaal ku dhex mara gudaha dalka Suuriya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON