Tuesday, June 24, 2025

Ruushka oo Toddobaad Gudihiis ku qabsanaya dalka Ukraine (Digniin Mareykanka ka timid iyo Qeylo-dhaan..)

Sida lagu sheegay War kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka Ruushka ayaa la filayaa inuu duullaan buuxa ku qaado dalka Ukraine muddo toddobaad gudihiis ah, laba maalmood ka hor dhammaadka ciyaaraha Olombikada Jiilaalka.

Dowladda Mareykanka ayaa qeylo-dhaan u dirtay dadkeeda ku sugan dalka Ukraine inay si degdeg ah uga baxaan dalkaasi. Farriintan ayaa calaamad digniinta sii kordheysa ee Mareykanka oo ku saabsan suurtagalnimada tallaabo militari oo Ruushku ku qaado dalka Ukraine.

La-taliyaha amniga qaranka Maraykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in Maraykanku aanu haynin xog sugan oo sheegaya in duullaanka uu amray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Laakiin, wuxuu caddeeyay in dhammaan qaybaha ciidamada ay u diyaarsan yihiin hawlgal milatari oo weyn oo ku bilaaban kara “si degdeg ah” iyo suurtogalnimada ka hor dhammaadka ciyaaraha Jan. 20.

“Ma tilmaami karno maalinta xillig iyo saacadda, laakiin dagaalku waa suurtagal aad iyo aad u muuqda” ayuu yiri Sullivan La-taliyaha amniga qaranka oo intaas raaciyey: “Ma dhaheyno in go’aankii dagaalka qaatay madaxweyne Putin. Waxaanu leenahay waa inaanu hayno walaac ku filan oo ku salaysan waxa aan ku aragno dhulka, iyo xogta sirdoonku ay soo qaadeen.”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihii la hadlay madaxda Yurub, isgoo la wadaagay wararka sirdoonka ee suurtagalnimada duulaanka Ruushka ku qaadayo dalka Ukraine. Sullivan waxa uu sheegay in hogaamiyayaasha reer galbeedku ay si buuxda u midaysan yihiin ayna si adag uga jawaabi doonaan duulaanka Ruushka oo lagu soo rogay cunaqabatayn dhaqaale iyo mid ganacsiba.

Ruushka ayaa dhoolatus milateri oo baaxad ka wada dalka ay jaarka yihiin ee Belarus, wuxuuna sheegay in uusan qorshaha ugu jirin in uu duulaan ku qaado balse uu doonayo in reer galbeedku ay Ukraine iyo dalal kale oo hore u ahaan jiray Soofiyeedka aysan ka mid noqon NATO.

Ciidamo 130,000 askari oo nooc waliba leh ayuu Ruushku geeyay xuduudka dalka Ukraine, waxaana war guul ah laga gaarin dadaallo loogu jiray in xaaladda la qaboojiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON