Dowladda Soomaaliya ayaa maanta fasaxday lacagtii lagala wareegay dalka Imaaraadka Carabta April 2018, ee gaareysay 9.6 milyan oo dollar.
Ciidamada NISA ee Garoonka Muqdisho ayaa qabtay Lacagtaasi oo saarneyd dayuurad ay laheyd Imaaraadka, waxayna arrintan sabab u noqotay inuu xumaado xiriirkii dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegidda lacagtaasi u sababeysay inay sharci darro kusoo gashay dalka, laakiin Imaaraadka ayaa ku sheegay inay aheyd mid loogu talagalay mushaaraadka ciidan ay dowladda u tababartay iyo gargaar kale.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay in lacagtaasi oo taalay bankiga dhexe ee dowladda la sii deyn doono, balse waxaa lagu hakiyay wareegto ka soo baxday madaxweynihii hore Maxamed C/llahi Farmaajo.
Wararka ayaa sheegaya in lacagtan uu isla maanta uu u qaaday Imaaraadka Ra’isul Wasaare Roble iyo wafdi uu hogaaminayo oo u dhoogay Imaaraadka Carabta, halkaasi oo ay uga eyb geli doonaan tacsida madaxweynihii dalkaasi.
Imaaraadka ayaa Soomaaliya ku lahaa xeryo ciidan oo ay ku tababarreen kumanaan ciidamada dowladda ka mida, waxay kaloo isbitaal gaara ku lahaayeen Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu daweyn jiray madaxda, xildhibaannada iyo qoysaskooda.
