Saturday, July 31, 2021

RW Rooble oo isu keenay laba wasiir oo dagaal ku dhex maray Baraha Bulshada (Raaligelin mise is-cafin?)

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa isu keenay oo heshiisiiyey laba wasiir oo ka mida xukuumadiisa, kuwaasoo isku dhacay.

Arrintan ayaa bilaabatay markii Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga Xamza Siciid Xamza uu hadal ka jeediyey xaflad ka dhacday magaalada, isagoo ka hadlay xaaladda ay ku sugneyd wasaaradda markii uu kala wareegay wasiirkii hore ee Khadiijo Maxamed Diiriye, isagoo sheegay in aanay xafiis lahayn oo Guri lagu shir jiray, shaqaalahuna ay muddo 2 sano iyagoo guryahooda jooga lacag iska qaadanayeen.

Arrintaas waxaa si degdega jawaabo is daba jooga oo kulul ka bixisay Khadiija Diiriye oo weerar ku qaaday wasiirka, arrintaas oo fadeexad ku noqotay baraha bulshada, dadkuna ugu baaqeen Ra’iisal wasaaraha inuu kala qabto labada wasiir.

Ad

Kulankii labada wasiir iyo Rooble kadib, wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa faafisay qoraal ku saabsan kulan hoyga Ra’iisal wasaaraha ku dhex maray Wasiir Xamza iyo Khadiijo Diiriye.

Waxaan caawa Hoyga ra’iisal wasaaraha kula kulmay walaashey Wasiir Khadiija M. Diiriye oo aan is cafinay si wadajir ahna uga heshiinay wixii hore u dhacay”. ayaa lagu yiri qoraalka Wasiir Xamza.

Dhinaca kale wasiir Khadiijo oo soo xiganeysa warka Wasiir Xamza ayaa arrinta u dhigtay in iyada la siiyey raaligelin, waxayna qoraalkeeda ku tiri: “Madaxdeyda Qaranka kama weyni Raalli-gelina waa qaadasho, walaalkey Hon Xamse cafis baad iga tahay Aboow”.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,845FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,845FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!