Sunday, July 13, 2025

RW Rooble oo kulankii ugu danbeeyay ku macsalaameeyay Golaha Wasiirada iyo codsi..

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ee xilka ka degaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirkii ugu danbeeyay Golaha wasiirada oo ka dhacay Hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta shirkoodii ugu dambeeyay ku qabsaday hoteelka Dorbin ee magaalada Muqidsho. Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka uga hadlay Waxqabadkii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay, kana codsaday inay sii wadaan howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.

Berri ayaa lagu wadaa inuu Baarlamaanka Federaalka codka kalsoonida siiyo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Hamza Cabdi Barre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON