Sunday, July 6, 2025

RW Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Kismaayo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarasiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin wasiiro waxaa garoonka Kismaayo kusoo dhoweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, madaxda maamulkaasi iyo dadweyne fara badan.

Rooble ayaa inta uu joogo magaalada Kismaayo wuxuu kulamo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, siiba xaaladda Gobolka Gedo.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Rooble ku tago Jubaland intii xilka loo magacaabay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON