Friday, June 27, 2025

RW Rooble oo War kasoo saaray Xasuuqii Ciidamada AMISOM ee Golweyn & Guddi loo saaray

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa War kasoo saaray arrinta dilkii xasuuqa ahaa ee ciidamada AMISOM ku laayeen dad shacab ah, degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Rooble oo la kulmay Safiirka Uganda ee Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Uganda ayaa sheegay inay ku wargeliyeen in la xiray askartii falka geysatay, lana saarayo maxkamad milateri, wuxuuna ku dhawaaqay Guddi Wasiiro ah oo arrinta la socda.

Guddigaan Golaha Wasiirada ayaa kala ah: Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga, Caddaalada, iyo Arrimaha gudaha oo berri kulan la yeelan doono safiirka Uganda iyo Taliyaha ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya.

“Ma aqbaleyno, raalina kama nihin in shacabka la dhibaateeyo, haddii dhibato dhacdana, annagaa u istaageyna, arinta waa laga hadlayaa, baaritaan ayaa lagu sameynayaa, waxna waa laga qaban doonaa..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble.

Wuxuu sheegay inay tacsi ugu yimideen Safiirka dalka Uganda u fadhiya Soomaaliya Nathan Mugisha iyo taliyaha ciidamada Uganda, ayna la wadaageen dhinacooda tallaabada ay qaadeen.

Arrintan ayaa imaaneysa 11 maaalmood kadib markii uu dhacay xaquuqii Golweyn, waxaana bannaanbaxyo joogto ah agaalada Muqdisho ka wada eehelada dadkii la dilay oo weli ku jira Qabooojiye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON