Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga ee xilgaarsiinta, isagoo magacaabay wasiir cusub.
Wareegto caawa kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu yiri” Anigoo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.
Dhinaca kale Wasiir Xundubey oo dalka ka maqan ayaa farriin uu soo qoray uu ku sheegay inuusan Ra’iisal wasaaruhu yahay xilgaarsiiye ee aanu ahayn xilqaade, taasoo ka muquata inuu ku gacan seyray xil ka qaadista lagu sameeyay.
“PM Rooble, waxa aan isku ogeyn in dalka qalalaasa dambe laga ilaaliyo, haddasa – nasiib daro – asaga ayaa [kaligiis] go’aansaday in uu dalka qalalaasa cusub geliyo!” ayuu yiri Wasiirkii Amniga ee xilka laga qaaday.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah khilaafka faraha ka baxay ee u dhaxeeya Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana Rooble uu bilaabay inuu ceyriyo wasiirada saaxiibka la ah Farmaajo.
