Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii looga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo la magacaabay agaasime cusub.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa loo magaaabay magacaabay Maxamed Xayir Ducaale oo hore u soo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga.
Xil ka qaadista Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta C/naasi r Xsueen Xasan ayaa la sheegay oinuu ka yimid Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay xowli ku socdaan xil ka qaadista iyo magacaabita agaasimeyaasha Wasaaradaha xilligan kala guurk ah ee dalku ku socodo Doorashada.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa wasiiradiisa ka hor istaagay inay qaataan tallaabooyin saameyn dhalin kara, wuxuuna dhinaca kale wadaa magacaabidda iyo xil ka qaadista agaasimeyaasha Wasaaradaha.
