Sunday, June 22, 2025

RW Xamse oo 8 Wasiir u magacaabay xuska sanadguurada 63aad ee Maalmaha Xoriyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre Guddi ka kooban 8 wasiir iyo guddoomiyaha Gobolka Caasimadda u magacaabay qaban-qaabada Xuska Sanadguurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda.

Guddigan ayaa qaabilsan qabanqaabada xafladaha lagu xusayo munaasabadaha loo sameynayo sanadguurada 63-aad ee Gobannimada, Midnimada iyo Dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya. Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka arrimaha gudaha, waxayna kala yihiin:

1-Wasiirka Arrmaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, Axmed Macallin Fiqi

Ad

2- Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Daa’uud Aweys Jaamac

3- Wasiirka Amniga gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe)

4- Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur

- Advertisement -

5- Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Maxamuud Barre

6- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Diiriye

7- Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada, Biixi Iimaan Cige

8- Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Xasan Xuseen Maxamed

- Advertisement -

9- Iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON