Tuesday, November 29, 2022

RW Xamza oo xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo magacaaabid

Agaasimihii guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo la magacaabay agaasime cusub.

Wareegto maanta kasoo baxday Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa xilkii looga xayuubiyey Saciid Cabdullaahi Calasow oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa waxaa loo magacaabay Caydaruus Macalin Cabdull, oo la amray inuu xilka si degdega ula wareego.

Ad

Xil ka qaadistan ayaa timid kadib markii uu dalbaday wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi oo isbedello ka wada Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bishii June 2021 hore xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ugu magacaabay Saciid Cabdullaahi Calasow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!