Dib u dhac saacado qaatay ayaa maanta ku yimid howlaha shaqada ee safarradagaroonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, magaaada Muqdisho maanta kadib markii shirkadda qaabilsan baaritaanka Boorsooyinka rakaabka ay joojisay shaqadii, iyadoo sheegtay inaan la siinin lacago ay ku leeyihiin dowladda Soomaaliya.
Shirkadda Golden Horn Security ayaa qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka, gaar ahaanna eyda u tababaran inay ururiyaan waxyaabaha halista ee laga shakiyo. Arrintan ayaa keentay inaan boorsooyinka la saarin diyaaradaha, taasina ay dib u dhac u keentay rakaabka iyo diyaaradaha.
Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in shirkadda amniga Golden Horn Security lala galay wadahadal laguna qanciyey inay shaqada dib u billaabaan.
Mid ka mid ah dadka ka dhoofayey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport saaka ayaa isna sheegay inuu dib u dhac ku yimid safarkiisa muddo saddex saacadood ah.
Shaqada garoonka ayaa markii dambe caadi kusoo laabatay. Ilaa hadda dawladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin murakan keenay dib u dhaca hawlaha amniga xammuulka diyaaradaha.
