Tuesday, June 24, 2025

Sababtii loo xiray wadadda isku xirta Muqdisho & Afgooye oo la shaaciyay…

Waxaa gebi ahaan saaka la xiray wadadda isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo gaadiidka aysan mari karin, lana sameeyay Goob kala wareeg ah oo ku dhow Ex-Kontrool Afgooye.

Jidka ayaa laga xitay inta u dhaxeysa Ex koontrool Afgooye ilaa xaafadda Galmudug, halkaasoo laga bilaabay dhismaha wadadda isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxayna wararka sheegayaan inuu ugu danbeyn bilowday masharuucii dowladda Qatar ee dhismaha wadooyinka soo gala Muqdisho.

Dadka iyo gaadiidka adeegsada jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa saaka ka war helay xirnaanshaha jidkaasi oo xalay ilaa saaka waaberigii la dhigay dhagxaan waaweyn, waxayna saxafiyiin tegay halkaasi soo sheegeen inay socoto howl burburin ah oo lagu qaadayo laamiga, iyadoo shaqo xoog leh ka socoto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON