Sunday, July 13, 2025

Sacdiya Yaasiin: “Deni inuu mar labaad isoo celiyo degaankeyda waa Xishood la’aan..”

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho ayey faahfaahin uga bixisay socdaal ay ku tegi lahayd Puntland oo laga hor istaagay.

Waxay si kulul u weerartay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay sheegtay inuu markii labaad ka celiyay degaanada ay kasoo jeedo xilli aysan wax siyaasad ah u socon, balse ay ka qeybgeli lahayd caleemo saarka Suldaan Bashiir Suldaan Carab, oo ah suldaanka beesheeda.

“Xishood la’aanta Siciid Deni weeye in uu markii labaad iga celsho degaan naloo wada doortay.. ilaa goormee Deniyoow baanan iman karin magaaladeyda..? … Isimada ayaan ka sugaynaa in Deni oo siyaasadda ku sasay ay dalka ka qabtaan” ayey tiri Sacdiyo Yaasiin.

Wafdiga Guddoomiye ku xigeennada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka mid ahaa wasiiro iyo xildhibaanno sidoo kale maanta loo diiday inay tagaan Puntland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON