Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii dublamaasi u jaray dawladda Qadar iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.
Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay dawladda Sacuudigu ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba.
Wakaaladdu waxay soo xigay saraakiil Sacuudiyaan ah oo sheegaya in ay uga golleeyihiin in ammaanka qaranka ay ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag jirka.
Masar ayaa sidoo kale sheegtay in ay dhammaaan gaadiidka qadar ka xiratay hawadeeda iyo dakadaheeda, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu.
Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa dublamaasiyiinta Qadar u qabtay in ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood iyagoo ku eedeeyay Qadar in ay maalgaliso argagixisada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda ee WAM.
Wakaaladda wararka ee Baxrayn ayaa sheegtay in dalkoodu uu calaaqaadka u jarayo Qadar sababtuna ay tahay in ay gilgishay ammaanki iyo daganaanshihii Baxrayn ayna qasayso dalkooda
Dalalkaasi waxay Qadar ku eedeeyeen in ay taageerto ururrada argagixisada oo uu ka mid yahay midka Akhwaanul Muslimiin ama Muslimiinta walaalowday.
Arrintan ayaa ka dambeysan xiisad ka dhalatay olole ay warbaahinta Sacuudiga iyo Imaaraadka ku qaadeen dalka Qatar, kadib markii la jabsaday website-ka wakaalada wararka ee Qatar laguna faafiyay war laga soo xigtay Amiirka Qatar oo lagu taageerayo Iiraan.
Ololaha warbaahineed oo ay qeyb ka ahayeen telefishanada Alcarabiya iyo Aljazeera ayaa toddobaadkan ka sii daray markii emailka shaqsiga ah ee safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Mareykanka la jabsaday, isla markaana la faafiyay qoraalo uu ku weerarayo Qatar iyo sir ku saabsan doorka Imaaraadka ay ku leedahay dagaal lagula jiro Qatar iyo xiriirkeeda Israa’iil iyo Mareykanka.
Wakaalado