Thursday, July 10, 2025

Sacuudiga oo ku dhawaaqay maalinta ay ku beegan tahay Ciida Carafo (Ciidul Adxaa)

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday xilliga ay noqoneyso maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ee loo yaqaan Tobanaadka.

Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa sheegtay maanta in maalinta Isniinta ah ee ku beegan 12-ka September ay noqoneyso maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa (Ciida Carafo).

Maxkamadda ayaa sheegtay in kadib markii la arki waayay bisha Dilxijja jimcihii maanta uu ahaa maalintii 30-aad ee bisha Dilqacda, isla markaana maalinta Beri ee Sabtida ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Dilxaj 1437 Hijriyadda.

Ciidul-adxaaBayaanjka Maxkamadda wuxuu intaas ku daray in maalinta Carafa ay noqon doonto maalinta Axadda ee 11-ka September 2016, ciiduna ay tahay maalinta ku xigta ee 12-ka.

Xajka sanadkan ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan 2.5 Milyan xujey ah oo ka kala imaaneysa in ka badan 100 dal oo dunida ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON