Thursday, June 8, 2023

Sacuudiga oo laga arkay Bishii Soonfur iyo Maalinta koowaad Ciidul Fitriga oo lagu dhawaaqay..

Wararka laga helayo dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Bishii Shawaal laga arkay laba goobood ee laga raadiyo dhalashada Bilaha, dalkaasi.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa xaqiijisay in Bishii Soonfur laga arkay maqribkii caawa Xarumaha Tamiir iyo Xuuda Sudeyr oo ah goobo lagala socdo dhalasha Bisha oo ay yaallaan Qalabka cirka lagu eego ee Telescope-ka loo yaqaan.

Maxkamadda sare ee Sacuudiga ayaa go’aamisay in Maalinta Jimcaha ee Berri ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal iyo Ciidul Fitri, waxaana dabaaldega ciida uu durba ka bilowday Dalalka Sacuudiga iyo Khaliijka.

Ad

Sacuudiga ayaa hoggaamiya dalal badan oo islaam ah, kuwaas oo ku raaca munaasanadaha ciidalaha Al-adxaa iyo Ciidul Fitriga, isagoo ah Qibladii Islaamka.

Wakaaladaha wararka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar ayaa goor dhoweyd shaaciyey in Berri oo Jimce ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal, kadib markii la arkay Bishii Soonfur.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!