Thursday, June 26, 2025

Sacuudiga oo laga mamnuucay Kitaabada Sheekha Caanka ah ee Yuusuf Al-Qardaawi

Wasaaradda Waxbarashada Sucuudiga ayaa amartay in maktabadaha iyo xarumaha cilmiga  dalkaasi laga saaro Kitaabada uu qoray Sheekha caanka ah ee Yuusuf Al-Qardaawi.

Wasiirka Waxbarashada Sacuudiga Axmed binu Maxamed Al-Cisa ayaa amarkan soo saarya, kaasoo isla markiiba dhaqan galay, waxayna arrintan ka dambeysay xiisadda ka taagan Khaliijka kadib markii ay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn liiska dadka taageera argagxisada ku dareen Sheekh Qardaawi.

Sheekha ayaa fadhigiisu yahay dalka Qatar, wuxuuna u dhashay dalka Masar isagoo ah mid ka mid culimada ugu waaweyn diinta Islaamka xilligan, waana guddoomiyaha Hay’adda Culimada Muslimiinta.

Tallaabadan ayaa ka mida kuwo xiriira oo Sacuudiga ka qaadayo dalka Qatar iyadoo ay kasii dareyso xaaladda ka taagan Khaliijka Carabta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON