Friday, June 27, 2025

Sacuudiga oo liiska Argagixisada ku daray Wadaad Soomaali ah oo dowlada Qatar ay megangelyo siisay

Dowladda Boqortooyada Sucuudiga iyo isbaheysiga ka horjeeda dalka Qatar ayaa soo saaray liis cusub oo argagixisada lagu daray  ururro Islaami iyo shaqsiyaad xiriir la leh dowlada Qatar.

Warkan oo ay baahisay Wakaalada Wararka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in argagixiso loo aqoonsaday 11 ruux oo midkood uu yahay  Sheekh Maxamed Siciid (Atam) oo ahaa hogaamiyihii Al-Shabaab ee deegaanada Puntland, basle dowladda Soomaaliya isu dhiibay, kadibna Qatar ay megangalyo siisay.

Sheekh Atam ayaa dowladii Xasan Sheekh isu dhiibay sanadkii 2014-kii, waxaana muddo kadib heshiis aan la shaacin loogu duuliyay dalka Qatar halkaas oo uu ka helay magangalyo, laakiin arrintan cusub ee Sacuudiga iyo isbaheysigiisa qaadeen ayaa culeys kale sii saareysa dowladda Qatar.

Liiska argagixisada ka kooban 11 qof ee Sacuudiga soo saaray waxaa kaloo ka mida agaasimaha Hay’adda Bisha Cas ee Qatar Khaled Nazem Diab,  Ninka asalkiisu yahay Baxreyn ee Hassan Ali Mohammed Juma Sultan, sii-haya hoggaamiyaha kooxda Akhwaanul Muslimiin Mahmoud Ezzat.

Waxaa kaloo ka mida hoggaamiyaha Akhwaanul muslimiin ee Calaa Ali Al Samahi, iyo rag mucaarad ku ah dowladda Masar sida  Qadri Mohamed Fahmy Mahmoud Sheikh.

DAAWO VIDEO: Sheekh Atam oo dowladda Soomaaliya u dhoofisay dalka Qatar

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON