Thursday, June 26, 2025

Sacuudiga oo Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta oo ka wareejiyay Magaalada Riyaad [Akhri sababta]

Boqortooyada Sacuudiga ayaa shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta  ka wareejisay magaalada Riyaad oo hore loogu qorsheeyay inuu shirku ka dhaco.

Shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee 29-aad ayaa hadda ka dhacaya magaalada Damam ee ku taalla xeebta Badda Cas, waxaana shirka oo Axadda furmaya ka qeyb galaya madaxda dalalka Jaamacadda Carabta.

Sababta arrintan keentay ayaa la sheegay inay tahay cabsi laga qabo Gantaallaha kooxda Xuuthiyiinta Yeman oo si joogto ah loogu weerarro magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga.

Shirka gogol xaarka wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ayaa ka dhacay magaalada Riyaad, laakiin shirka weyn ee madaxda ayaa loo wareejiyay magaalada Damaam.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON