Sunday, June 22, 2025

Sacuudiga oo si KMG ah xayiraadii uga qaaday Xoolaha Soomaalida (Akhriso Sababta & tirada xoolaha uu qaadanayo)

Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay inay si kulmeelgaar ah xayiraaddii uga qaaday xoolaha nool ee Soomaaliya si ay u xoojiso suuqeeda gudaha.

Sida ay shaacisay Wakaaladda wararka Sacuudiga Wasaaradda Degaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa si KMG ah u qaaday xayiraadda xoolaha nool ee uga imaan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, taasoo ujeedkeedu yahay in lagu xoojiyo suuqa gudaha ee Sacuudiga oo ah mas’uuliyad ay u xil saaran tahay wasaaradda si loo dheelitiro cuntada Sacuudiga.

Wasaaradda ayaa qiyaastay in xoolo gaaraya 600,000 Ari ah iyo 100,000 neef Geel ah ay Soomaaliya u dhoofin doonto Sacuudiga muddo bil gudaheed ah, kadib marka xuu dhammaado xilliga la karaantiilay xoolahaasi, oo la marsiinayo shuruudaha Sacuudiga u degsan ee xoolaha uu qaato.

Ad

Sacuudiga ayaa tallaabadan u qaaday inuu ku xoojiyo suuqa gudaha dalkaasi oo xilligan cudurka Coronavirus uu jiro hoos u dhac kasoo wajahay dhammaan raashinka dibaddaha ay kasoo dhoofsan jireen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON