Sacuudiga oo Soomaaliya dib ugu celiyay Markab siday Xoolo lagu sheegay Cudur oo ka dhoofay Boosaaso

Dowladda Sacuudiga ayaa dib u soo celisay mid ka mida Maraakiib Xoolo u qaaday dalkaasi oo loogu talogalay mowsimka xajka ee sanadkan, kaasoo niyad jab iyo walaac ku abuurtay Ganacsatada iyo dadka Soomaaliyeed.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhowaan xayiraaddii ka qaadday xoolaha Soomaalida, waxaana loo dhoofiyey xoolo aad u faro badan gaar ahaan intan lagu jiro wakhtiga xajka. Waxaase lama filaan noqotay inuu Sacuudigu soo celiyey xoolo tiradoodu kor u dhaaftay 27,000 Neef oo la sheegay in cudur laga helay, siiba xanuunka Rift Valley fever, waxaana la filayaa in Markabka sida xoolaha sida ee la soo celiyey uu Berri ku xirto Dekadda Boosaaso oo uu hore uga baxay.

Wasiirka xanaanada xoolaha maamulka Puntland ayaa sheegay in ay baari doonaan xanuunka lagu sheegay inay xoolahaasi qabaan, inkasta oo aanu carrabka ku dhufan nooca uu yahay cudurka laga helay xoolahaasi.

Ma jirto cid xajiisay cudurka ay qabaan xoolaha laga soo celiyay Sacuudiga, iyadoo Soomaaliya aanu xilligan ka jirin cudurka lagu sheegay xoolaha Soomaalida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,629FansLike
501FollowersFollow
2,246FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

107,629FansLike
501FollowersFollow
18FollowersFollow
2,246FollowersFollow

TOP NEWS

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!