Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku hanjabtay inay tallaabo milateri ka qaadi doonto dalka Qatar haddii ay dhacdo inuu soo iibsado gantaallaha casriga ah ee S400 oo ah Gantaalaha difaaca cirka ee Ruushku sameeyo.
Wargeyska ‘LE MONDE’ ee Faransiiska ayaa qoray dhambaal boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis u diray Madaxweynaha Faransiiska inuu kaga dalbaday inuu ku cadaadiyo dowladda yar ee Qatar inay joojiso dadaalka ay ugu jirto inay iibsato Gantaallaha S400.
Farriintan ayaa la sheegay inay farriin u tahay dowladda Qatar oo haddii ay isku daydo inay gantaalahaasi iibsato Sacuudigu ku qasban yahay inuu burburiyo, taasoo sabab looga dhigay inay halis ku yihiin amniga Sacuudiga iyo nabadgelyada hawada dalkaasi.
Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo Sacuudiga uu dhinaciisa dadaal ugu jiro inuu Ruushka ka iibsadao Gantaallaha S400 sida uu sheegay safiirka Sacuudiga u fadhiya dalka Ruushka.
Khilaafka Sacuudiga iyo Qatar oo soo bilowday sanad ka hor markii 4 dal oo Sacuudigu hormuud u yahay ay go’doomiyeen Qatar kuna eedeeyeen inay taageerto argagixisada ayaa weli taagan.