Warar laga helayo dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudiga ay xirtay culimo dhowr ah oo caan ka ah dalkaasi iyo dunida Islaamka.
Culimada la sheegay in la xiray waxaa ka mida Sheekh Salmaan Alcawda, Sheekh Caa’id Alqarni iyo Cawad Alcumari, iyadoo xariga culimadan si weyn looga hadal hayo baraha bulshada.
Dowladda Sacuudiga ayaan ka hadlin xariga culimada, waxaase xaqiijiyay saxafiyiin iyo shaqsiyaad ku dhow boqortooyada dalkaasi. Xariga Sheekh Salmaan Alcawda ayaa loo aaneynayaa farriin uu soo dhigay twitter-ka oo uu ugu duceeyay hoggaamiyeyaasha Sacuudiga iyo Qatar inuu qalbiyada alle mideeyo.
Culimada la xiray ayaa tiradooda gaareysaa 20 qof oo qaarkood ay si weyn caan uga yihiin dunida islaamka, iyadoo hore dhowr jeer Sacuudigu u xiray culimadan qaarkeed.
ربنا لك الحمد لا نحصي ثناءً عليك أنت كما أثنيت على نفسك..اللهم ألف بين قلوبهم لمافيه خير شعوبهم
— سلمان العودة (@salman_alodah) September 8, 2017