Sunday, June 22, 2025

Saddex Farriin oo ku dhex jirtay War-saxaafadeedkii Dowladda Mareykanka ee Doorashada Somaliya (Akhriso)

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay si toos ah War-saxaafadeed uga soo saartay xaaladda khilaafka Doorashada Soomaaliya ee la isku mari la’ yahay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Anthony Blinken ayaa ka dalbada madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada inay sida ugu dhaqsiyaha badan u qabtaan Doorashada, wuxuuna muujiyey walaaca Mareykanku ka qabo in xaaladan ay dhaliso burbur ku yimaada horumarkii Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa ku dhex jiray saddex farriimood oo ka tarjumaya mowqifka Mareykanka ka taagan yahay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, waxayna kala yihiin:

Ad

1- Inay suuragal ahayn in xaaladdan ay sii socoto, qasabna ay tahay in Doorasho la qabto, waqtiguna ku socdo madaxda xilka sii fahhiya, markii muddo xileedkoodu dhammaaday.

2- Digniin ah in khilaafka Doorashada oo sii daba dheeraada uu keeni karo inay Soomaaliya dib ugu noqoto sanado ka hor, ayna meesha ka baxaan horumarkii 10kii sano ee u danbeeyay la gaaray.

3- Iyo inaan la ogolaan karin qalalaase iyo awood adeegsi, lana hor istaagi karin Bannaanbaxyada siyaasadeed ee nabadda ku dhacaya.

- Advertisement -

Fariimahan waxay intooda badan si toos ah ugu socdaan madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana muuqata in Mareykanka aad uga horjeedo sida xaalada Soomaaliya ku socoto xilligan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON