Wednesday, June 25, 2025

Saddex ka mida dadka ugu dhow Madaxweyne Trump oo su’aalo la weydiinayo

Shakhsiyaad aad ugu dhow madaxweyne Donald Trump ayaa maanta la weydiin doonaa su’aalo ku aadan faragelinta la sheegay inuu Ruushku ku sameeyay doorashadii madaxtinnimada Mareykanka.

Wiil u dhalay Trump, wiilka uu soddoga u yahay iyo xubin hore uga tirsanaa kooxdii ololihiisii doorashada ayaa maanta hor imaan doono guddiga Senate-ka ee braitaanka ku sameynayo faragelinta la sheegay in lagu sameeyay doorashadii Mareykanka ee 2016.

Donald Trump Jr, Jared Kushner iyo Paul Manafort ayaa sharrxaad ka bixin doono inay xiriir la lahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Ruushka iyo in kale.

Arrimaha wax laga weydiin doono waxaa ka mid ah kulan la sheegay inay seddaxdani nin la yeesheen qareen ka tirsan dowladda Ruushka sanadkii la soo dhaafay.

Qareenkaasi, Natalia Veselnitskaya, ayaa la sheegay in seddaxdani nin oo aad ugu dhaw Trump ay u ballan qaaday inay la wadaagi doonto macluumaad dhaawac u geysan kara musharraxa Trump la tartmeysay ee Hilary Clinton.

Guddiga Senete-ka iyo guddi gaar ah oo ay Waaxda Caddaaladu magacowday waxay baaritaan ku sameynayaan in Ruushku uu isku dayay inuu faragelin ku sameeya doorashada si Trump uu ugu guuleysto. Waxay sidoo kale baarayaan in Ruushka iyo kooxda ololaha Trump ay arrintaa iska kaashadeen iyo in kale. Labaduba, Ruushka iyo Trump way beeniyeen arrintaasi.

Dhageysiga maanta wuxuu noqon doonaa kii ugu heer sareeyay ee ay guddiga sameeyaan tan iyo markii madixii hore ee FBI-da James Comey uu guddigaasi la hadlay bishii June.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON