Tuesday, June 24, 2025

Saddex Qof oo Somali-American ah oo ku guuleystay Doorashada Gobolka Minnesota [Sawirro]

Saddex qof oo Somali-American ah ayaa ku guuleystay doorashadii hordhaca ahayd ee loo galay Koongareeska iyo Aqalka Baarlamaanka dalkaasi.

Ilhan Cumar ayaa ku guuleysatay doorashada hordhaca ah ee kursiga degmada 5aad ee Congresska Maraykanka, halka Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur-na ay ku guuleysteen aqalka baarlamaanka ee gobolka Minnesota.

Ilhaan Cumar oo u tartameysa Kursiga Musharaxnimada Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorashadii is reeb reebka aheyd ee loogu soo baxayay Tartanka kursigaas. Ilhaan Cumar oo ah Musharax Xisbiga Dimoqraadiga ayaa heshay codod dhan 59,322, taasoo u dhigan 48.1%, sida ay qorayaan Warbaahinta Mareykanka.

Doorashada Guud ee Kursiga Congresska Mareykanka ayaa la qaban doonaa bisha November, waxaana Ilhaan Cumar ay qarka u saaran tahay inay noqotay qofkii u horeeyay Somali Mareykan ah oo ku ku guuleysata kursiga Congresska, kaasoo uu banneeyay Kieth Ellison.

Dhinaca kale Hodan Xasan ayaa ku guulesyatay Kursiga golaha Congresska ee Gobolka Minnesota. Sidoo kale Maxamuud Nuur ayaa isna ku guuleystay kursiga Aqalka Baarlamaanka Gobolka Minnesota, oo ahaa booskii ay baneysay Ilhaan oo horay kursigan ugu guuleysatay sanadkii 2016.

Doorashada is reeb reebka ay ku guuleysteen xubnahan Soomaali Mareykanka ah oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa waxay bisha November ee soo socota la tartami doonaan Musharaxiin ka socda Xisbiga Jamhuuriga.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON