Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa hormuud u ah khilaafka hareeyay Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsan mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari.
C/weli Muudey oo sida ka muuqata go’aanada uu qaatay la safan xildhibaannada mooshinka wada iyo xukuumadda ayaa waxaa heysta saddex xaqiiqo oo culeys ka dhigeysa shaqadiisa, kuwaasoo kala ah:
1- KELIGIIS GUDDOON
C/weli Muudey tan 14-kii Maarso oo ah maalintii la keenay mooshinka Jawaari wuxuu gooni u socod ka ahaa guddoonka intiisa kale, isagoo aan heysay xogahyentii Golaha oo dhan, Guddigii joogtada iyo ku xigeenkii labaad, wuxuuna xitaa heysan shaqaalaha Baarlamaanka ee tiriya codadka.
2- DHINAC U XAGLIN
Guddoonka Golaha waxaa loogu talogalay inuu u dhaxeeyo xildhibaannada, isla markaana ay kalsooni ku qabaan go’aannada uu qaadanayo, taasoo ka maqan C/weli Muudey oo lumiyey kalsoonida xildhibaanada isku haya mooshinka Jawaari, taasoo meesha ka saareysa go’aan kasta oo u qaato in la aqbalo.
3- MEELI U CAD
Guddoomiye ku xigeenka koowaad wuxuu u muuqdaa nin meeli u caddahay oo wada qorshe ujeedkiisu yahay in Jawaari xilka laga qaado sharci iyo sharci darro middii ay noqoto, waana tan keentay inuu diido waanwaan ay dhinacyo kala duwan isku dayeen inay arrintan xal loo helo.
C/weli Muudey waxaa hore taariikhda ugu gashay inuu Shariif Xasan wakiil uga ahaa kala dirirsta Baarlamaankii 8-aad oo laba qeybood u kala jabay, laba guddoomiyana yeeshay, taariikhdaas oo laga yaabo inuu mar kale soo dib u soo celiyo.