Sunday, January 11, 2026

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax badelka dastuurka, doorashada socota, waxayna ku hanjabeen in muddo bil ah kadib ay ku bilaabi doonaan dowlad barbar socota tan hadda jirta.

Waxaa War-murtiyeedka lagu sheegay 14 April wixii ka dambeyo  ay dhamaatay muddo xileedka baarlamaanka, halka Madaxweynaha ay ugu eg tahay 15-ka May 2026.

Haddaba qodobadda ugu culus ee shirkii Kismaayo kasoo baxay waa saddexda qodob ee hoos ku qoran:

——

5. Shirweynuhu wuuxuu diyaar u yahay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii Dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, daahfuran, ka horumarsan doorashadii 2022, hufan, xoojinaysa matelaadda degaanada iyo sharciyadda Xildhibaanka, guddiga doorashaduna uu noqdo mid heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta xilligeeda

6. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah oo ku eg 20ka January 2026 isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee Dalka si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda oo waafaqsan mabaadii’da ku xusan qodobka 5aad

7. Shirweynuhu wuxuu isku raacay in haddii Madaxweynuhu iska dhegatiro baaqa kor ku xusan uu Golaha Mustaqbalka gudagalo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA OO DHAMMEYSTIRAN

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON