Friday, June 27, 2025

Safaaradda Mareykanka ee Somalia oo VISA u diiday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh [Cudurdaar uu bixiyey Golihii casuumay]

Wararka laga helayo dalka Mareykanka ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud loo diiday dal-ku-galka Mareykanka (Visa), taasoo keentay in la joojiyo muxaarado uu ka jeedin lahaa xarunta Marriott Sable Oaks, 2ee Koonfurta Portland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay inuu ka hadlo Golaha arrimaha caalamka ee Gobolka Maine, isagoo qodobka uu ka hadli lahaa uu ahaa: “Somalia the Crossroads: Opportunities + Challenges Post-Civil War”, laakiin madaxa ururka casuumay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cudurdaar ay soo diray ku sheegtay inay aad uga xun tahay in Mudane Xasan Sheekh ay safaaradda Mareykanka ee Somalia u diido Visa-ha Mareykanka.

Safaaradda ayaa ku dooday in Soomaaliya ka mid tahay lix dal oo muslim ah, kuwaasoo xayiraad socdaalka ah uu ku soo rogay Mareykanka, taasoo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh awoodi waayo inuu ka xaadiro dalka Mareykanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON