Sunday, June 29, 2025

Safaaradda Mareykanka oo Digniin naxdin leh u dirtay xildhibaanada & Musharixiinta heysta Dhalashada Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa ka dhawaaqisay arrin naxdin ku riday xildhibaanada iyo musharixiinta Soomaalida ee heysta dhalashada dalka Mareykanka.

Qoraal la soo dhigay barta  safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ku leedahay twitter-ka ayaa lagu cadeeyay in Mareykanka ay ka go’an tahay Doorasho ku dhisan nidaam la isku haleyn karo oo Soomaaliya ka dhacda, waxaana qoraalkaasi lagu sheegay in kiisaska musuqmaasuqa waaweyn ee ay ku kacaan muwaadiniinta Mareykanka ee dunida inteeda kale ka dhaca lagu qaadayo sharciga Mareykanka.

Arrintan ayaa loo arkaa digniin culus oo la siiyay xildhibaanada heysta dhalashada Mareykanka oo kiisas dacwooyin ah la keenay iyo qaar u sharxan xilalka sare ee doonaya inay adeegsadaan laaluush.

Safaaradda Mareykanka ayaa loo gacan geliyay dacwooyin tiro badan oo ku saabsan falal isugu jira musuq iyo tacadiyo awood sheegasho oo ay ku kaceen  xildhibaano heysta dhalashada Mareykanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON