Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay si gaara isha ugu heyso dagaallada ay Alshabaab ka wado Gobolka Hiiraan.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socoto guulaha sida adag lagu keenay ee ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka la galeen Alshabaabka Gobolka Hiiraan.
“Mareykanka wuxuu si dhow ula socdaa dagaalka Gobiolka Hiiraan iyo guulihii adkaa ee ay gaareen
Ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada degaanka. Dagaallada xagjirka ay wadaan kuma guuleysan doonaan Hiiraan, Muqdisho, amameel kasta oo Soomaaliya ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.
Mareykanka ayaa dhowr jeer duqeyn dhinaca cirka ah ku taageeray ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee Macaawisleyda oo degaano ka mida Gobolka Hiiraan kala wareegay Alshabaab.
