Monday, June 23, 2025

Safaaradda UK ee Muqdisho oo noqotay xarun ka mashquul badan Madaxtooyada Soomaaliya [Sawirro]

Safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa noqotay xarunta ugu dhaqdhaqaaqa badan dhinaca siyaasadda ee magaalada Muqdisho.

Madaxda dowladda, maamul goboleedada, ururada bulshada iyo dada siyaasiyiinta ah ayaa iska xaadiriya safaaradda oo lagu arkaa iyadoo uu qaabilayo safiirka UK ee Soomaaliya David Concar.

Dadka qaarkii ayaa dhaqdhaqaaqa safaaradda UK u arka faragelin qaawan oo arrimaha Soomaaliya ay ku heyso dowladda Ingiriiska, laakiin waxaa jira dad ka ku doodaya in safaaradaha kale sida Turkiga iyo Imaaraadka ay sidan oo kale u dhaqmaan.

Dhinaca kale waxaa jirta xaalad keentay in Safaaradda UK ee Muqdisho ay mashquul noqoto muddooyinkii ugu dambeeyay, taasoo ay ugu wacan tahay shirka London ee arrimaha Soomaaliya  oo dadka ka qeyb galaya ay codsiyo iyo dal-kugal ka dalbanayeen safaaradda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON