Safaradda Mareykanka ee Somalia War kasoo saartay xaaladda Siyaasadda dalka

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay kasoo saartay xaaladda siyaasadda dalka ku sheegtay inay ku boorineyso dhammaan dhinacyada Soomaalida in ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin siyaasadeed.

Qoraalkan oo aan cidna si gaara loogu tilmaamin balse ku soo beegmay xilli ay dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka khilaaf culus ka dhaxeeyo ayaa lagu yiri: “Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya wadahadal nabadeed

Ad

Waxaa kaloo waxaa war-saxaafadeedka safaarada Mareykanka ee Soomaaliya lagu sheegay in Soomaaliya ay muddooyinkii ugu danbeeyay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyada muhiimka ah, ee Amniga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka, balse waxaa lagu dhiirigeliyey in dhammaan dhinacyada ay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad iyo xasilooni.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa war-saxaafadeedkiisa ku soo beegay iyadoo xiriirka maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka uu marayo halkii ugu hooseysay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

130,903FansLike
1,339FollowersFollow
3,543FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!