Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nur Tarsan ayaa saaka ka degay magaalada Muqdisho.
Safiir Tarsan ayey shalay dowladda Kenya ka dalbatay inuu degdeg ugu laabto dalkiisa, kadib xiisad diblomaasiyadeed oo soo dhex gashay dalalka Somalia iyo Kenya oo ku saabsan muranka xuduudka Badda labada dal oo Soomaaliya ay shidaal ka baartay, isla markaana dooneyso in la maalgeliyo.
Marwada Madaxweynaha oo ka soo laabatay dalka Qatar, kuna sugneyd magaalada Nairobi ayaa la sheegay inay la socotay diyaaradii safiirka keentay magaalada Muqdisho.
Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa hadda kulan la leh safiirka Somalia ee Kenya Mudane Tarsan, waxaana la filaya inay go’aan ka qaataan tallaabada ay Kenya ku jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal.