Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ee magaalada Nairobi ayaa Galabta looga yeeray Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamud Axmed Nuur (Tarsan).
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa qaabilay safiir Tarsan isagoo u sharxay go’aanka ay qaadatay dowladda Kenya ee ah inuu dalka Kenya isaga baxo, kuna laabto Muqdisho si uu latashi ula sameeyo dowladiisa.
Sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya waxay dowladda Kenya ka carootay in Soomaliya ay shirkii London ku xaraashtay shidaal iyo Gaas laga qodayo dhul ka mida xuduudka Badda ee Somalia iyo Kenya ku muransan yihiin.
Kenya ayaa ku dooday in ogeysiin iyo cabasho heerkeedu sarreeyo oo ay madaxda dowladda Somalia la yeesheen ay iska dhega tireen, iyadoo Kenya arrintan ku tilmaantay gardarro iyo daandaansi ka dhan ah Qaranimadeeda.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADDA

