Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dalka Qatar u soo magacawday Soomaaliya.
Safiirka idman ee Dalka Qatar Hassan Hamza Asad Hashem iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal, habkii loo abuuri lahaa iskaashi caalami ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Qadar iyo weliba sidii labada wadan uga wada shaqayn lahaayeen dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.
Ra’iisalwasaare ku xigeenka ayaa dalka Qatar iyo shacabkiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada leh ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah.
Safiirka Qatar ee Soomaaliya Mr Hassan Hamza Asad Hashem, ayaa dhankiisa Ra’iisalwasaare ku xigeenka uga mahadceliyay sida uu Dawladda Qadar u qadariyo, isaga oo ballanqaaday in DOHA sii wadi-doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.