Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waraaqihiisa aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Turkiga u soo magacawaday Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo Muqdisho soo gaaray.
Danjiraha idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda soomaaliya, wuxuuna Wasiirku u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howsha dalkiisa usoo igmaday, isagoo bogaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya laba dal ee walaalaha ah.
Danjire Mehmet Yilmaz ayaa isna sheegay inuu ka shaqeyn doono danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka, isagoo dhowaan waraaqihiisa u gudbin doono Madaxweynaha Soomaaliya.