Tuesday, June 24, 2025

Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Somalia oo si rasmi ah u shaqadiisa uga bilaabay Muqdisho

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in safiirkeeda cusub ee Soomaaliya Donald Y. Yamamoto uu tegay Soomaaliya, si uu u hoggaamiyo ergada Mareykanka ee Soomaaliya.

Ambassador Yamamoto ayaa ah mid ka mida ragga ugu khibradda badan arrimaha Afrika, wuxuuna muddo 30 sano ah ku soo jiray arrimaha diblomaasiyadda dalkiisa, isagoo kasoo shaqeeyay dalal ay Itoobiya ka mid tahay, wuxuuna si rasmi ah uga shaqo bilaabay magaalada Muqdisho.

AKHRISO: Maxaad ka taqaan Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magcaabay Somalia

Qoraal ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in magacaabidda Donald Y. Yamamoto ay caddeyn u tahay heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Safiirka cusub ee Mareykanka ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay la shaqeynta bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, sida dhalinyarada, gaancsatada, dowladda Federaalka, maamul Goboleedyada iyo hay’adaha amniga si loo dhiso mustaqbal ifaya oo Soomaaliya yeelato.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON