Monday, July 14, 2025

Safiirka Cusub ee Soomaaliya u magacawday Itoobiya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda [Sawirro]

Safiirka cusub  dowladda Soomaaliya u magacawday dalka  Itoobiya Cali Shariif Axmed, ayaa nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxa uu sheegay in ay jirto yididiillo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya laba dal ee walaalaha ah ee leh taariikh fog si looga dhabeeyo rabitaanka labada shacab ee Soomaali iyo Itoobi.

Danjire Cali Shariif ayaa bogaadiyay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo rabitaanka guud ee labada dhinac ee lagu qoto dheereynayo xiriirka iyo iskaashiga oo dhinacyo kasta leh. Cali Shariif ayaa sidoo kale gudbiyay farriin salaan ah uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xukuumadda iyo dhammaan hey’adaha dowladda oo ku socotay Dowladda iyo Shacabka Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON