Dowladda Qatar ayaa bilowday dhexdhexaadin ay ka dhex wado Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Safiirka dowladda Qatar u jooga Muqdisho Xasan Xamza ayaa markii ugu horeysay maanta gaaray magaalada Kismaayo, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aaden, Wasiiro iyo mas’uliyiin kale.
Safiirka Qatar ayaa magaalada Kismaayo ka furi doona mashaariic horumarineed oo ay maalgelisay dowladda Qatar. waxaana lagu wadaa inuu la kulmo Axmed Madoobe oo la sheegay inay ka wadahadli doonaan arrimo ay ka mid tahay xiriirka Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo taageero dowladda Qatar siineyso maamulka Jubbaland.
Dalka Qatar oo xiriir dhow la leh Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale xiriiro aan xoog badneyn la yeelatay maamul Goboleedyada ka horjeeda dowladda Federaalka sida Jubbaland.
Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta oo ay arrimaha Soomaaliya ku loolamaan dalka Qatar.



