Sunday, June 22, 2025

Safiirka Sacuudiga usoo magacaabay Soomaaliya oo lagu qaabilay Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Safiirka cusub ee Dowladda Sucuudiga u soo magacawaday Soomaaliya ayaa maanta gaaray Axmed Bin Maxamed Almowallad magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta nuqul ka mida waraaqihiisa aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudiga.

Danjiraha cusub ee Dowladda Sucuudiga Axmed Bin Maxamed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda kala hadlay adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood iyo Labada shacab ee saaxiibbada ah, isaga oo ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

Ad

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii ay Soomaaliya iyo Sucuudigu u xoojin lahaayeen xiriirkooda soojireenka ah iyo iskaashiga Labad Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

May be an image of 4 people and indoor
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 7 people, people standing and indoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON