Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Daahir Maxamuud Geelle ayaa faah faahin ka bixiyay tirada Soomaalida ee sanadkani gudatay waajibaadak xajka iyo dhibaatooyinkii ka dhacay sanadkan Xajka, wuxuuna sheegay in sanadkan ay xajiyeen in ka badan 7000 oo Soomaali ah.
Safiirka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay shilalkii kala duwanaa ee xajka ay gaarayaan
3 xaaji oo ku dhimatay Wiishkii xaramka ku soo dumay
10 xaaji oo ku dhimatay Is-buurashadii dhagax-tuurka ka dhacay
2 xaaji oo wiishka ku dhaawacmay
5 xaaji oo is-buurashii ku dhaawacmay
iyo 5 xaaji oo la la’yahay ilaa iminka.
Danjiraha Soomaaliya Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle ku dooday inay si hufan ugu khidmeeyeen xujeyda Soomaalida ayna u fududueeyeen Baasaboorada iyo adeegyadii asaasiga ahaa ee dadka xujeyda laga doonayo.
Goobjooge.com