Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii Midowga Yurub u fadhiyay Soomaaliya Michele Cervone Durso oo muddo 4 sano ah ka shaqeynayay Soomaaliya.
Kulanka sagootinta ah waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Wasiiro, xildhibaanno iyo marti sharaf kale.
Safiirkan Michele CervoneDurso ayaa shaqadii uu Soomaaliya ka soo qabtay ku sifeeyay inay ahayd muddo 4 sano ah oo uu la soo shaqeeyay Dad iyo Dad aan caadi ahayn oo wax kale ah. Laakiin wuxuu sheegay inuu u soo joogay howl dib u dhis qaran oo socota.
Leaving extraordinary country & people after 4 years. Somalia's challenges daunting but have witnessed incremental rebuilding of a nation pic.twitter.com/3A1To7a2Ri
— Michele CervoneDurso (@MCervoneEU) October 26, 2016
Goobjooge.com