Waxaa magaalada Muqdisho ka socda xaflad si rasmi ah loogu furayo saldhigga tababarka milateriga Turkiga ka dhigay magaalada Muqdisho.
Furitaanka saldhigan waxaa magaalada Muqdisho u yimid saraakiil sare oo ka tirsan milateriga Turkiga oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada Turkiga Hulusi Akar, waxaana lagu wadaa in furitaanka saldhigga uu ka qeyb galo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Saldhigan oo ah kan ugu weyn ee Turkigu ka dhiso meel ka baxsan dalkiisa ayaa waxaa ku baxay kharash dhan 50 Milyan oo Doolar, waxaana markiiba uu qaadi karaa ciidamo dhan 1500 askari.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA